Dood Adag Oo Dhex Martay Trump Iyo Biden

USA (HCTV) – Madaxweyne Donald Trump iyo Musharraxa doorashada kula loollamaya ee Joe Biden ayaa yeeshay dooddi ugu kululayd oo muddo sanado ah laba musharax oo aqalka cad ee Mareykanka looga arrimiyo u tartameysa dhex marta.

Labada dhinac oo ay wejiyadooda ka muuqatay cadho, doodda ugu adag waxay ku dhexmartay arrimo ay ka mid yihiin cudurka saf-marka ee Corona, dhaqaalaha, mudaharaadyada rabshadaha watay ee dalkaasi ka dhacay iyo arrima la xidhiidha qoysaskooda.

Doodda ka dhacday Cleveland, Ohio ayaa ahayd dooddii ugu horreysay oo ka mid ah saddexda doodood oo ay labada musharrax yeelanayaan codbixinta doorashada ka hor.

Aragti dhiibashada ay dadweynaha sameeyeen ayaa muujineysa in Mr Biden uu xoogaa uu ka sarreeyo Mr Trump, iyada oo ay doorashada ka hadhsan tahay muddo dhan 35 maalmood oo keli ah.

Dooddii habennimadi Xalay ku dhexmartay Jaamacadda Case Western Reserve waxay ahayd mid ay dadku kala fogaanshaha looga hortagayo faafidda corona ku meel mariyeen, iyada oo laga booday dhaqankii soo jireenka ee ahaa inay labada musharraxa doodda ka hor iyo kaddibba is gacan qaadaan.

Dooddana waxaa shiishka lagu saaray lix mawduuc oo mowduuciba loo qoondeeyey 15 daqiiqo.

Mawduucyadaasi oo kala ahaa Macluumaadka musharrixiinta, Maxkamadda sare, Mudaharaadyada cunsuriyadda ka dhashay iyo rabshadaha magaalooyinka ka dhacay, hufnaanta doorashada iyo dhaqaalaha.

Doodda labada Musharrax dhexmartay oo mararka qaar aflagaado iyo hadallada kulul ay isku dhaafsanayeen Mr Biden oo 77 jir ah, Mr Trump oo 74 jir ah wuxuu ku eedeeyey inaanu cambaareyn cunsuriyadda dadka caddaanka ah ee aaminsan sarreynta midabka cadaanka isagoo Biden ugu yeedhay Trump inuu yahay Eyga Madaxweynaha Ruushka Mr. Putin.

Tan iyo markii la doortay Trump waxa lagu eedeeyaa inuu gacan ka helay Dawladda Ruushka, taasi oo farsamo ahaan u soo faro-gelisay Doorashadii uu Trump ku soo baxay sannadkii 2016-kii, taasina waata keentay in Biden uu ku tilmaamo Eyga Putin.

Biden waxa kale oo uu Trump ku tilmaamay inuu yahay Madaxweynihii ugu xumaa oo abid soo mara dalka Mareykanka.

Trump oo ka jawaabayey eedaymaha loo jeediyey ayaa Biden ku eedeeyay in Wiilkiisu uu isticmaalo Daroogada, taasi oo uu Biden beeniyey, kuna Tilmaamay hadal aan sax ahayn.

Dooddan oo Dunidu indhaha ku haysay ayaa waxa Dadweynihii Aragtidooda la waydiiyey sheegeen inay doodda ka fahmeen shakhsiyadaha Trump iyo Biden oo Madaxweyne ku-xigeen u soo noqday Barack Obama.

Waxa Xusid mudan, in waxyaabaha aadka looga dooday ay ka mid ahayd Xanuunka Covid_19 oo Maraykanka aad u saameeyay dhaqaale ahaan iyo Caafimaad ahaanba.

Aqoonyahannnada Maraykanka ee Faalleeyay doodda ayaa sheegay in Biden uu Fursad fiican oo uu ku cambaarayn karo ka helay Trump, maaddaama oo uu Fashilaadaha Maamulka Trump waajahayo ay ka mid tahay in 200.000 oo Maraykan ahi la il-daran yihiin Xanuunka Covid_19, kuwaasi oo aan xaaladdan adag waajaheen, haddii Maamulka Trumpp Masuuliyad iska saari lahaa Fayo-qayo qabka Muwaadiniinta, sida uu Biden sheegayo.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka