Dawladda Cubba Oo Ka Hadashay Dhakhaatiir Dalkeeda U Dhashay Oo Soomaaliya Lagu Afduubay

Muqdisho (HCTV) – zasiirka Arrimaha dibedda Cuba Bruno Rodriguez ayaa uga mahadceliyey dhiggiisa Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad dedaalka ay dowladdiisu ugu jirto dammaanad-qaadka soo celinta labo dhakhtar ee u dhashay Cuba oo in ka badan sannad ka hor laga afduubay Kenya.

Wasiirka arrimaha dibedda ee Cuba oo Khadka Telefanka kula hadlay dhigiisa Cawad, ayaa uga mahadceliyey madaxda Soomaalida taageerada ay muujiyeen, wuxuuna muujiyey sida Cubba ay u dooneyso inay xoojiso xidhiidhka labada dal.

Dhakhaatiirtan Cubba ayaa la afduubay 12-kii Abriil, 2019 iyagoo ka shaqeynayay Kenya, tan iyo xilligaas dowladda Cubba waxay xidhiidh joogto ah la lahayd labada dal Kenya iyo Soomaaliya.
Assel Herrera, oo ah khabiir ku takhasustay Cilmiga Daawada Guud kana soo jeeda gobolka Las Tunas, iyo Landy Rodriguez, oo ah dhakhtar qalliin oo ka socda Villa Clara, waxay ka mid ahaayeen howlgalka caafimaadka ee Cuba ee Kenya.

Sida lagu sheegay warbixinnada saxaafadda, waxaa si gaadmo ah u afduubay xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab, iyagoo la tagay dhulka ay xukumaan.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka