Madaxweynaha Soomaaliya Oo Maanta Muqdisho Kaga Qayb Galay Aaska Marxuum Cali Khaliif Galaydh

Muqdisho, (HCTV) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ayaa maanta kaga qaybgalay magaalada Muqdisho aaska Marxuum Cali Khaliif Galaydh loogu sameeyey magaalada Muqdisho.

Marxuum Cali Khaliif Galaydh ayaa khamiistii doraad ku geeriyooday magaalada Jigjiga ee caasimada dawladd Deegaanka Soomaalida Ethiopia, waxaana maydka marxuumka saaka barqadii laga soo qaaday magaalada Jigjiga, si loogu aaso magaalada Muqdisho.

Aaska Marxuum Cali Khaliif ayaa waxa kale oo ka qaybgalay masuuliyiin kale oo ka tirsan dawladda Federalka ee Soomaaliya.

HORN CABLE TV,

QAYBTA ONLINE-KA.