Qoyska Hooyo Lagu Dilay Burco Oo Caddaalad Dalbaday (Akhri)

Burco (HCTV) – Hooyo saddex carruur ah lahayd ayaa kufsi iyo dil loogu geystay magaalada Burco.

Gabadha oo sidoo kale la sheegay in la kufsaday, ka dibna la dilay ayaa Magaceedu ahaa Ugbaad Cali Cabdillaahi.

Cabdinaasir Cali Cabdillaahi oo ay Gabadha la dilay Walaalo yihii ayaa ka warramay siday wax u dhaceen iyo waxay Qoys ahaan dalbanayaan.

“Waxa kaliya ee aan codsaneyno waa in xukuumadda Somaliland, oo uu Madaxweynuhu ugu horreeyo ay caddaalad na siiyaan. Arrintaas caddaalad ayaan ka rabnaa.” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Ninkaa dilka geystay ee eedesanaha ah waxaannu dooneynaa in sharciga naloo mariyo sida ugu dhakhsaha badan oo aan xabsiga loogu heynin..”

Cabdinaasir Cali Cabdillaahi oo la hadlay Laanta afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da ayaa sharraxay sida Walaashii loo dilay “Gabadha madaxa ayaa laga dilay, gidaarka ayaa madaxa loola dhacay, kaddib maskaxdii ayaa duntay, dhaawacaas madaxa ka gaadhay ayeyna u dhimatay.” ayuu yidhi.

Booliska Somaliland ayaa gacanta ku dhigay Ninka Gacan ku dhiiglaha ee dilka geystay, kaasi oo Taliska Qaybta Booliska ee Gobolka Togdheer sheegay inuu dilka qirtay.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka