Madaxweyne Farmaajo Oo Kulan Tacsi Ah La Yeeshay Qoyskii Cali Khaliif Galaydh

Muqdisho (HCTV) – Madaxweynaha Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa kulan Tacsi ah la qaatay ehelada iyo qoyska Cali Khaliif Galeydh oo Toddobaadkan lagu aasay Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa la wadaagay qoyska iyo qaraabada marxuumka in maamuuska Qaran ee Dowladda Soomaaliya ay u sameysay Cali Khaliif ay ka tarjumeyso sida shacabka iyo dowladda Soomaaliya ay u xasuusan yihiin doorkii uu ka qaatay dowladnimada iyo horumarinta dalka.

“Geerida, Alle ha u naxariistee, Ra’iisul Wasaare Cali Khaliif Galleydh maaha mid kaligiin gaar idin taabatay ee waxa ay ahayd mid si murugo leh ay wadajir u dareemeen shacabka Soomaaliyeed, maaddaama Marxuumku uu dowladnimadeenna kaga tagay raad muuqda.” ayuu Madaxweyne Farmaajo

Dhankooda, Ehelada iyo qaraabada Marxuumka ee kulanka qeybta ka ahaa ayaa uga mahadceliyey Madaxda iyo Hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya maqaamka lagu soo dhaweeyey iyo aaska Qaran ee loo sameeyey Cali Khaliif Galeydh.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka