Axmed Ismaaciil Samatar Miyaa Laga Saaray Golaha Dhexe Ee Xisbiga KULMIYE ?

USA (HCTV) – Prof. Axmed Ismaaciil Samatar oo ka mid ah Aqoonyahannada reer Somaliland ee dalka dibeddiisa ku nool ayaa ka hadlay Shirweynihii Xisbiga Kulmiye.

Samatar oo u warramay Telefiishanka Bulsho ayaa ka jawaabay su’aalo laga waydiiyey in laga saaray xubnaha Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye.

Prof. Axmed Ismaaciil Samatar oo u warramay Bulsho Tv ayaa marka koowaad sheegay inuu isku haysto inuu illaa hadda ka mid yahay Golaha dhexe ee Xisbiga “Anigu inaan Golihii dhexe ee xisbiga Kulmiye ku jiro ayaan isku haystaa.” ayuu yidhi.

Samatar oo Weriyuhu waydiiyey inaanu ka dhex muuqan liiska Xubnaha Golaha dhexe ee Xisbiga ayaa ku jawaabay “Aniga Liiskaasi ima soo gaadhin, haddiise uu Xisbigu sidaas ku tashaday oo uu Dad kale oo cusub samaystay Dadka Xisbiga Madaxda u ah ayay u taallaa, Aniguna siyaasadda Somaliland sidaan ka yeelayo iyo halkaan marayo iyo haddaan ku sii dhex jirayo waan ka tashan doonaa, laakiin imika inaan Xisbigu ku jiro iyo in aanan ku jirin ma ogi.”

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka