Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Oo Ka Hadlay Safarkii Madaxweynaha Ee Gobolada Galbeedka

Hargeysa, (HCTV) – Madaxweynaha  Somaliland iyo weftigii uu hoggaaminayey oo maalmahanba safar shaqo ugu maqnaa gobollada Awdal iyo Gabiley, ayaa galabta kusoo laabtay caasimadda Hargeysa.

Madaxweynaha iyo weftigiisa, ayaa safar shaqo oo Afar maalmood qaatay oo ay ugu kuur-galayeen xaaladda gobollada  Gabiley iyo Awdal ku maqnaa, waxana ay mormeer, xadhig-ka-jaris iyo indho-indhayn ku sameeyeen mashaariic kala duwan oo ay xukuumaddu deegaannadaasi ka hirgelisay.

Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland, Mudane Maxamuud Warsame Jaamac ayaa ka hadlay soo noqoshada weftigii Madaxweynaha Somaliland ee Gobolada Awdal iyo Gabiley oo Galabta soo gaadhay Caasimada Somaliland ee Hargeysa.

“Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo weftigii balaadhnaa ee uu hoggaaminayey ayaa galabta dib ugu soo noqday Caasimada Somaliland ee Hargeysa kadib socdaal qaatay muddo afar maalmood ah oo Madxweynuhu uu ku tagay gobolada galbeedka ee Awdal iyo Gabiley.

Madaxweynaha Somaliland mudadii uu ku sugnaa gobolada galbeedka ee Somaliland ee Gabiley iyo Awdal waxa uu u kuurgalay xaaladda guud ee gobolada iyo mashaariicda horumarineed ee halkaa ka socda. Isagoo kormeer iyo indho-indhayn ku sameeyey mashaariicdaasi, isla markaana qaarkood xadhiga ka jaray.

Madaxweynuhu wuxuu kulamo la qaatay muddadii uu halkaasi joogay, masuuliyiinta maamulada gobolada iyo degmooyinka, iyo qaybaha kala duwan ee bulshada. Waxaanu ku adkaynayey masuuliyiinta gobolada iyo degmooyinka inay dardar galiyaan mashaariicda horumarineed ee halkaa ka socda si ay shaqadooda ugu gutaan si hagar la’aan ah,” ayuu yidhi Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland, Mudane Maxamuud Warsame Jaamac oo warbaahinta la hadlay markii weftiga Madaxweynuhu caasimada ku soo noqday.

HORN CABLE TV,

QAYBTA ONLINE-KA.