Falastiin Oo Ka Wer-wersan In Trump Mar Kale Xukunka Maraykanka Ku soo Noqdo

Qaza (HCTV) – Raysal-wasaaraha Falastiin Mohammad Shtayyeh ayaa Ilaahay ka baryey inaan Doland Trump aanu ku guulaysan doorashada Madaxtinimo ee dalkaasi ka dhacaysa Bisha dambe.
Raysal-wasaare Mohammad Shtayyeh oo hadal ka jeediyey kulan ay lahaayeen sharci-sameeyayaasha Midowga Yurub ayaa masiibo Adduunka soo waajahday ku sheegay haddii mar kale Madaxweynaha loo doorto Doland Trump.

Shtayyeh wuxuu sheegay in afartii sanadood ee uu Trump ahaa Madaxweynaha Maraykanku uu qaaday Tallaabooyin waaweyn oo lid ku ah Shacabka Falastiin, haddii mar kale dib loo doortana uu Ilaahay Caawin doono reer Falastiin.

“Haddaynu doonayno inaanu Afar sanadood oo dambe la noolaano Trump, Ilaahay baa na caawin doona Annaga (Falastiin” ayuu yidhi, Raysal-wasaaraha Falastiin, waxaanu intaa ku daray in isbeddel kasta oo ka dhaca Maraykanku uu tilmaan ka bixinayo xidhiidhka Falastiin iyo Isreal “Waxa iska beddela Maraykanku, waxaan u malaynayaa inay Tilmaan ka bixin doonto xidhiidhka Falastiin iyo Isreal..”

Madaxweynaha Maraykanka ayaa muddadii xilka hayey wuxuu qaaday Tallaabooyin waaweyn oo lid ku ah Falastiin, sida inuu Safaaraddii Maraykanka ee ku taallay Tel Aviv u rarray Magaalada Barakaysan ee Quddus, taasi oo ah Xudunka Khilaafka Falastiin iyo Isreal. waxa kale oo uu qaaday Tallaabooyin kale oo khatar ku ah Qorshaha nabadda bariga dhexe.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka