AKHRI: Wiil Uu Dhalay Madaxweyne Trump Oo Laga Helay Covid_19

USA (HCTV) – Wiil uu dhalay Madaxweyne Trump oo da’diisu tahay 14 jir ayaa laga helay fayraska Korona, balse sida ay sheegtay marwada koowaad ee Mareykanka, Melania Trump, wiilkaasi oo lagu magacaabo Barron ayaa cudurka haatan ka bogsaday.

Melina ayaa sheegtay in ay aad uga cabsatay xaaladda Barron, kaddib markii laga helay cudurka Covid-19. Balse waxay intaa ku dartay in nasiib wanaag uu yahay wiil da’yar, sidaa awgeedna ayna ka muuqan astaamihii cudurkaasi.

Madaxweyne Trump iyo xaaskiisa Melina ayuu horey cudurkan u haleelay balse haatan ka bogsaday.
Trump ayaa markii dambe sheegay in wiilkiisa Barron uu xanuunkani hayay muddo aad u yar isla-markaana uu ka bogsaday maadaama buu yidhi difaaciisa jidhku uu aad u wanaagsan yahay.

Sida ay sheegtay jaamacadda Johns Hopkins, cudurka Covid-19 ayaa guud ahaan dalkaasi Mareykanka waxa uu soo ritay 7.8 milyan oo qof halka ay u dhinteen qiyaastii 216,000 oo qof.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka