Reuters Oo Sheegtay In Al-shabaab 13 Askari Arbacadii ka Dishay Milletariga Soomaaliya

Somaliya (HCTV) – Ugu yaraan 13 Askari oo ka mid ah Ciidammada Millateriga ah Dalka Soomaaliya ayaa ku dhintay Weerar ay ku qaadday kooxda Al-shabaab.

Weerarka ayaa ka dhacay Dhul keyn ah oo ku yaalla meel u dhow Degmada Afgooye oo Waqooyi-gablbeed ka xigta Caasimadda Soomaaliya Muqdisho, sida uu sheegay Masuul ka mid ah Millateriga Soomaaliya.

Al-shabaab ayaa dagaalka ay kula jirtay Dawladda Bulshada Caalamku aqoonsan tahay ee Somaaliya wadday illaa sannadkii 2008, waxayna deegaannada ay ka arrimiyaan ka Allifeen Nidaam ku salaysan ku dhaqanka Diinta Islaamka.

“Waxaanu ka baxnay Degmada Afgooye, waxaanu Al-shabaab ku weerarnay Beero ka baxsan Afgooye..” ayuu yidhi Major Mohamed Ali oo u warramay Wakaaladda Wararka ee Reuters, isagoo Sawir ka bixinaya in halka Weerarka ka dhacay ay 30KM u jirto Muqdisho.

Sarkaalku wuxuu sheegay in markii weerarku dhacay ka dib, ay Ciidammadu ka baxeen halkaasi, kagana tageen illaa 20 Askari, laakiin Al-shabaab oo soo Rogaal celisay dishay 13 Askari oo Ciidanka Milateriga ka mid ah “Waxaanu dilay Afar Xagjiriinta ka mid ah, waanuna baacsanay Al-shabaab..” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Ciidankayagii dib bay u noqdaan, waxaanuna halkaa kaga tagnay Ciidan, ka dibna Al-shabaab ayaa soo weerartay Ciidankayagii yaraa (ee aanu Meesha kaga sii tagnay), waxayna dileen 13 Askari..”

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka