Taiwan: Ambassador Maxamed Xaaji Oo Kulan La Qaatay Ganacsato Danaynaysa Maalgashiga Somaliland

Taipei, (HCTV) – Safiirka Somaliland u qaabilsan dalka Taiwan Amb. Maxamed Xaaji ayaa kulan xog waraysi ah la qaatay qaar ka mid ah ganacsatada Taiwan ee danaynaya maalgashiga Somaliland.

Kulankan oo ahaa mid midho dhala ayaa diirada lagu saaray fursadaha maalgashi ee Ganacsatada Taiwan uga banana Somaliland iyo sidii xidhiidhka Taiwan iyo Somaliland uu u noqon lahaa mid cago adag ku taagan oo dhinacyo badan ay iska kaashadaan labada dal.

Sidoo kale Madaxa Golaha Horumarinta Ganacsiga Dibedda ee Taiwan (TAITRA), Md. James Huang, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Amb. Maxamed Xaaji, waxaanu Ambassador-ka uga warbixiyey Ururka TAITRA oo ah urur dawli ah oo ka shaqeeya horumarinta iyo hirgalinta ganacsiga is dhaafsiga iyo maalgalinta ee Taiwan, kaas oo ka hawlgala in ka badan 40 dal.

Dhinaca kale 12-kii bishan October ayaa Madaxweynaha Taiwan Tsai Ing-Wen waxa ay ku qaabishay Safiirka Somaliland Amb. Mohamed Omar Hagi Mohamoud qasriga Madaxtooyada Taiwan.

HORN CABLE TV,

QAYBTA ONLINE-KA.