Sucuudiga: Baas Lagu Iibiyey $ 173.000 Dollar

Saudi Arabia (HCTV) – Shimbirka Baaska oo aad u da’yar ayaa Gudaha Sucuudiga lagu kala iibsaday, waxaana lagu iibiyey Lacag ka badan $ 170.000 dollar.

Waa Qiimihii ugu sarreeyay ee lagu iibiyo Shimbir noocan ah gudaha dalka Sucuudiga iyo Dalalka kale ee Khaliijka Carabta.

Qiimahan Qaaliga ah ee lagu iibiyey Shimbirka Soomaalidu u taqaano Baaska ayaa dhan 650.000 Riyaalka Sucuudiga ah, taasi oo u dhiganta $ 173.000 dollarka Maraykanka.

Qiimahan sarreeya ayaa waxa sababay in shimbirkani Gabaabsi ku yahay Dunida, gaar ahaan Dalalka Khaliijka iyo inuu leeyahay Astaamo u gaar ah, sida ay sheegeen Naadiga iibiyey Baasku.

Naadigu wuxuu sheegay inuu ahaa iibkii ugu qaalisanaa ee abid dunida lagu iibiyo Shimbirka Baaska ah, kaasi oo ah mid da’ ahaan dhallinyaro ah, kana tirsan Shimbiraha loo yaqaano ‘Shaheen’.

Marka dib loogu noqdo kumanaan sano, Baaska ayaa muhiim u ah dhaqanka Saxaraha ee Carabta Sucuudiga iyo dalalka kale ee jaarka la’ ah.

Nin Baasle ah oo Fadhigiisu yahay Imaaraadka Carabta ayaa Wargeyska The National oo HCTV uu Warkan ka soo xigtay u sheegay in markii hore Shimbirka ah nooca lagu ugaadhsado uu Qiimihiisu aanu ka badnayd $ 23.000 dollar, laakiin Qiimahan cusub ee dhan $ 173.000 dollar uu ku yimid tartan loo galay iibkiisa.

Tartan Tijaabo ah oo la geliyey Baasas noocan ah ayaa lagu qiimaynayey Xaraawaha ay ku duulayaan xilliga Ugaadhsiga.

Baasaska, kuwa saacaddii duula 300KM ayaa Caalamiyan la aqoonsan yahay, waxayna Dawladuhu iibkooda u samaysteen Shuruuc ama Qaanuun loo raaco.

Baaskan ayaa culayskiisu yahay 1.1KG, waxaana laga soo qabtay markii hore baadiyaha Hafer Al Batin oo dhaca Waqooyi-bari Sucuudiga, sida uu sheegay Naadiga iibiyey.

Iibka ayaa ka dhacay Bandhig loogu Magac-daray Boqor Cabdicasiis oo lagu qabtay Magaalada Riyaad ee Caasimadda Sucuudiga

 

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka