Pakistan: 14 Qof Oo Lagu Dilay Jid-gooyo Loo Galay Kolonyo Gaadiid Ah

Islamabad, (HCTV) – Dablay aan haybtooda la xaqiijin ayaa 14 qof ku dilay gobolka Balochistan ee koonfur-galbeed Pakistan maanta oo khamiis ah kadib markii jidgoyn loo galay kolonyo gaadiid ah oo marayey jidka way nee magaalada ugu balaadhan dalkaasi ee Karachi.

Gaadiidkan jidgoynta loo galay ayaa u socdaalayey Karachi iyagoo ka yimid magaalo dekedeeda Gwadar markii jid goynta loo galay ayay u dhawaayeen magaalada yare e Ormara, sida ay shegeen saraakiisha amaanku.

Dadka dhintay ayaa waxa ku jira askar ciidamada amaanka ka tirsan kuwaas la socday kolonyada.

Maydadka dadka la laayey ayaa loo qaaday xarun ciidamada baddu ay leeyihiin oo meesha ku dhawayd.

Hase yeeshee muddo kooban ayaa jidkaasi weyn la xidhay markii uu weerarku dhacay, waxaanay ciidamada amaanku ay bilaabeen raacdaynta cidkii falkaasi gaysatay.

Ma jiro ilaa iyo hadda koox sheegatay masuuliyada weerarka, balse falkan ayaa la mid ah weeraro hore ay uga geysteen halkaasi koox qabiileedka Baloch oo ah koox gooni u goosad doonaysa.

Bishii April ee sanadkii hore ayaa 14 qof lagu dilay markii dablay hubaysani ay weerareen gaadiid marayey isla goobtan maanta uu weerarku ka dhacay, kaas ooh ore ay wararkaasi u sheegteen kooxda the Baloch Raaji Aajoi Sangar (BRAS), oo is-bahaysi la ah gooni u goosadka Baloch.

HORN CABLE TV,

QAYBTA ONLINE-KA.