Ethiopia Oo Sheegtay Inay Qaybisay 96 billion Birr Oo Noodhka Lacagta Cusub Ah

Addis Ababa, (HCTV) – Bangiga dalka Ethiopia ayaa sheegay inuu qaybiyey tiro ka badan 96 bilyan oo Birr oo u dhiganta ($2.6 billion oo dollar) oo ah Noodhka lacagta cusub tan iyo markii dalkaasi bilaabay inuu badalo Noodhka Lacagtii hore oo uu ku badalayo mid cusub.

Gudoomiyaha Baanka Ethiopia, Yinager Desse ayaa sheegay in laga bilaabay wadanka in laga helo Noodhka Lacagtaasi cusub. “Wakhtigii aanu ugu talo galnay laba cisho ka hor, waxaanu maamulnay in aanu qaybino ku dhawaad 96 bilyan oo Bir oo lacagta cusub ah, dhamaan qaybaha wadanka,” ayuu yidhi Maamulaha Bangigu, Mr Yinager.

Waxaanu Hoosta ka xariiqay kulan wadatashi ah oo Jimcihii ay la yeesheen Wasaarada Maaliyada Ethiopia iyo Wasaarada Gaashaandhiga Ethiopia oo ku saabsanaa horumarka ilaa hada la sameeyey eek u saabsan badalida lacagta.

Ilaa iyo hadda tirade Accounada Banka ee cusub ee furan ayaa ah 920 oo ay taalo 31 billion Bir tan iyo markii dalku uu bilaabay badalida lacagtii hore oo lagu dabalayo ta cusub.

Dhibaatada ugu weyn ee ay soo hadal qaadeen masuuliyiinta saddexdaasi hay’addood ee dawladu ayaa ah Foojariyeynta lacagta cusub oo ay tilmmaameen in mishiinada wax daabaha lagu soo saarayo lacagtaasi cusub, lana xidhay dad ku lug yeeshay foojari-garayntaasi, sida uu sheegay Wasiirka Difaaca ee dalka Ethiopia, Kenea’Yadeta.

Wasiirku waxa uu xusay in meelaha lacagtaasi lagu been abuuray ee ay ku qabteen ay ka mid tahay

Amhara, Addis Ababa, Benishangul Gumz iyo gobolka Koonfureed ee Ethiopia, waxaana dambigaasi lacagta cusub lagu foojargareeyey ku lug yeeshay 38 qof, halka ay Booliska gobolka Amxaaradu ay soo qabteen 800,000 Birr oo been abuur ah.

HORN CABLE TV,

QAYBTA ONLINE-KA.