Dawladda Somalia Oo Ka Hadashay Cilad Ku Timid Internet-Ka

Muqdisho, (HCTV) – Gobollada Koonfurta iyo badhtamaha Soomaaliya ayaa xilligan laga dareemayaa go’naanshaha khadka internetka taas oo shirkadda telcos ee maxalliga ah ay ku sheegtay in ay ka dhalatay cilad ku timid.
Shirkadda isgaadhsiinta ee dalka Somalia ugu weyn ee Hormuud Telecom ayaa ku sheegtay qoraal ay soo dhigtay barteeda Twitter-ka subaxnimadii Sabtida in ciladani ay sii socon doonto ‘mudo aan la garayn’.
“Waan ka xunnahay in aan idinla socodsiino in internetku xidhmi doono dayactir uu ku sameyn doono xadhigga muddo aan la cayimin. Fadlan noo dul qaado inta dhibaatada la xalinayo, ”ayuu yidhi waraalka Hormuud Telecom.
Wasiirka Isgaarsiinta Cabdi Cashuur Xasan ayaa sheegay in markaa ka dib maqnaanshaha ay ka dhalatay cilad soo wajahday xadhiga badda hoosteeda mara laakiin waxa uu xusay in dib ay usoo celin doonaan internetka.