Madaxweynaha Somaliland Oo Laba Masuul Xil Ka Qaadis Iyo Magacaabis Ku Sameeyey

Hargeysa, (HCTV) – Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa wareegto Madaxweyne xilkii kaga qaaday Maareeye ku xigeenkii dekedaha Somaliland Cumar Abokor Jaamac, waxaanu Madaxweynuhu xilkaasi u magacaabay Cali Siciid Saleebaan, in laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Maareeye Ku-xigeenka Hay’adda Dekedaha Somaliland.

Sida lagu sheegay Digreeto Madaxwene oo caawa oo taariikhdu tahay 17-kii October 2020 ka soo baxday Madaxtooyada, taas oo u dhignayd sidan:

WAREEGTO MADAXWEYNE: 17 /10/2020

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegtooyin madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-564/102020 iyo JSL/XM/XKQ/222/1-562/102020 uu Xilka qaadis iyo Magacaabid ku sameeyey laba masuul.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

Wareegto Madaxweyne

UJEEDDO: XIL KA-QAADIS

Ku: Cumar Abokor Jaamac;

Maareeye Ku-xigeenkii hore ee Hay’adda Dekedaha Somaliland

Og: Maareeyaha Hay’adda Dekedaha Somaliland

Mudane,

Sida aad la socoto, xilka Qaranka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo, oo hadba loo igmado ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan kaa qaado xilkii aad hore ugu haysay Qaranka.

UJEEDDO: MAGACAABID

Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;

Markaan Tix-geliyey: Ahmiyadda ay Hay’adda Dekedaha Somaliland u leedahay Dhismaha Qaranka;

Markaan Arkay: Aqoontiisa, Kartidiisa, iyo Waaya-aragnimadiisa;

Markaan ku Qancay: In uu Hanan Karo Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilkan;

Markaan Sameeyey: La-tashi;

Waxaan Go’aansaday;

In Mudane, Cali Siciid Saleebaan, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Maareeye Ku-xigeenka Hay’adda Dekedaha Jamhuuriyadda Somaliland.

ALLAA MAHAD LEH

Muuse Biixi Cabdi

Madaxweynaha JSL.