Madaxweyne Biixi Oo Safar Ugu Baxay Gobollada Bariga Somaliland

Berbera (HCTV) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo oo saaka ka amba baxay caasimadda Hargeysa, ayaa si ballaadhan oo aan kala hadh-ahayn loogu soo dhaweeyey magaalada Berbera iyo guud ahaanba deegaannada dhinaca galbeed kaga teedsan.

Madaxweynaha iyo weftigiisa, ayaa waxa deegaanka Cumar ku-joog ku qaabilay madaxda gobolka Saaxil iyo degmada Berbera, waxana intaas kaddib soo dhaweyn diirran oo aan loo kala hadhin ay kala kulmeen bulshada ku dhaqan deegaannada Dacar-budhuq, Abdaal, Xammaas iyo magaalooyin kale oo ku yaalla inta u dhaxaysa Hargeysa iyo Berbera.

Shacabka ku dhaqan magaalada Berbera oo lulaya caleemo qoyan iyo calanka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa madaxweynaha iyo weftigiisa kaga hortegay kaantaroolka galbeed ee magaalada, waxana ay u galbiyeen dhinaca magaalada, halkaas oo uu madaxweynuhu socod lug ah shaaracyada magaalada kula Soo maray shacabkii soo dhaweeyey.

Intaas kaddib, madaxweynaha iyo xubnaha weftigiisu waxa ay kormeer ku tageen marsada cusub ee Berbera oo ay shaqadeeda iyo casriyeynteedu si xawli ah u socoto, waxana halkaas kusoo dhaweeyey maamulka iyo hawl-wadeennada dekedda Berbera, isaga oo madaxweynuhu xadhigga ka jaray Taag cusub oo casri ah oo dekedda loo soo iibiyey.

Maareeyaha dekedaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Siciid Xasan Cabdilaahi oo hormuud u ahaa madaxdii madaxweynaha iyo weftigiisa kusoo dhaweysay gudaha dekedda Berbera, ayaa si kooban uga warbixiyey dedaallada ay maamul ahaan ugu jiraan horumarinta dekedda iyagoo fulinay siyaasadda madaxweynaha ay isaga xil saareen inay dekeddu hesho dhammaanba adeegyada Aas-Aasiga u ah shaqada ballaadhan ee ay dekeddu gobolka u hayso.

Afhayeenka madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Maxamuud Warsame Jaamac oo warbaahinta la hadlay, ayaa shacabka iyo maamulka gobolka iyo degmada Berbera uga mahadnaqay sida sharafta leh ee ay madaxweynaha iyo weftigiisa usoo dhaweeyeen, waxana uu ka warbixiyey ujeeddada uu safarka madaxweynuhu daarran yahay, waxana uu yidhi,“Ujeeddada safarka madaxweynuhu waxa ay daarran tahay inuu xog-ogaal u noqdo xaaladda guud ee gobollada iyo degmooyinka dalka, inuu dardargeliyo shaqooyinka kala duwan ee gobollada ka socdo, islamarkaana uu uu kormeero oo xaqoojiyo mashaariicda horumarineed ee gobollada iyo degmooyinka ka socda.”

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka