Xubno Ka Tirsan Al-shabaab Oo Lagu Arkay Deegaano Ka Tirsan Laasqoray

Laasqoray, (HCTV) – Wararka laga helayo deegaanka Guryo-samo oo ka tirsan degmada Laasqoray ee gobolka Sanaag ayaa sheegaya in halkaasi lagu arkay xubno ka tirsan ururka Al-shabaab.

Xubnaha kooxdan ka tirsan ayay wararku sheegayaan in ilaa iyo hadda ay ku sugan yihiin, isla markaana ay meel fagaare ah kala hadleen dadweynaha iyagoo u sheegay in ay ammaanka sugayaan.

Ciidamada Al-shabaab ayaa la sheegay in si dhuumaalaysi ah ay hore ugu sugnaayeen Buuralay aan ka fogayn halka ay la wareegeen.

Hase yeeshee ilaa iyo hadda ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Puntland iyo Somaliland oo ciidamadoodu ay halkaasi ka ag dhaw yihiin.

HORN CABLE TV,

QAYBTA ONLINE-KA.