Talyaaniga Oo Xidhaya Goobaha Jimicsiga, Dabaasha Iyo Shaleemooyinka COVID19 Awgii

Rome, (HCTV) – Dawladda Talyaaniga ayaa sheegtay inay xidhayso goobaha lagu caweeyo ee Shaleemooyinka, Barkadaha lagu dabaasho iyo meelaha Jimicsiga laga bilaabo maalinta Isniinta ee baritoole, si looga hortago fayraska coronavirus ee sida dhakhsaha ah u fidaya.

Sidoo kale Baararka iyo Hoteelada ayaa la xidhi doonaa Todobada habeenimo balse badi goobaha ganacsiga iyo dukaamada ayaa sii furnaan doona oo shaqaynaya.

Talaabadan dalka Talyaanigu qaaday ee lagu qiimaynayo xaaladda ayaa waxa ogolaaday Raysal Wasaaraha Giuseppe Conte iyo masuuliyiinta kale ee gobolka.

Waxaana ololahan ka mid ah baaqyo lagu soo jeedinayo in la qaado xanibaado adadag.

Mr Conte ayaa waxa uu yidhi inaanu doonayn in dalka lagu celiyo oo lagu soo rogo xayiraadii caamka ahayd intii lagu guddo jiray March iyo April oo Coronavirus uu sababay dhibaato dhaqaale.

Xaaladan cusub ee dalka Talyaaniga ayaa lagu sheegay in Duqsiyada sare ee dalka talyaanigu ay ku dhigan doonaan habka online-ka ah halkii ay fasalada ka soo xaadiri lahaayeen.

HORN CABLE TV,

QAYBTA ONLINE-KA.