Faransiiska: Saddex Qof Oo Lagu Dilay Weerar Mindi Loo Adeegsaday

Nice, (HCTV) – Saddex qof ayaa lagu dilay tiro kalena waa lagu dhaawacay weerar loo adeegsaday Mindi oo ka dhacay magaalada Nice oo ku taala koonfurta dalka Faransiiska maanta oo khamiis ah.

Weerarkan oo uu gaystay qof cadhaysan ayaa lagu waramayaa inuu mindi ku weeraray dad joogay goobta la the Notre-Dame basilica oo ku taala xudunta magaalada, waxaana loo xidhay qofka ku eedaysan weerarkaasi, sida ay sheegeen ciidamada Boolisku ninkii weerarka gaystay oo dhaawacan ayaa loo qaaday cusbitaal.

Maayarka magaalada Nice Christian Estrosi ayaa sheegay in weerar argagixiso uu ka dhacay wadnaha the Notre-Dame basilica”.

HORN CABLE TV,

QAYBTA ONLINE-KA.