Kofi Annan Oo Geeriyooday

Xoghayihii hore ee Qaramada Midoobay, Kofi Annan ayaa geeriyooday isagoo 80 ahaa.

Wuxuu ahaa qofkii ugu horreeyey ee Afrikaanka madow ah ee qabta jagada ugu sarraysa diblomaasiyadda dunida, wuxuuna xilkaas hayey 1997 – 2006.

Wuxuu ku guulaystay abaalgudka nabadda Nobel ee dhanka bani’aadminimada.

Xilliyadii dambe wuxuu noqday ergayga Qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha Suuriya, isagoo hogaaminayey dadaalka ku saabsan sidii xasaradda dalkaas ka taagan xal loogu heli lahaa.

Wararkaas oo iska soo daba dhacaya halkan kala soco.