Daahir Geelle: Eritrea waxa ay door ka qaadan kartaa isu soo dhawaanshaha Imaaraadka & Somaliya

Iyadoo wafdiga Madaxweynaha Somaliya Maxamed C/laahi Farmaajo ay ku sugan yihiin Magaalada Asmara ee dalka Eritrea, ayaa Wasiirka Warfaafinta Somaliya Daahir Maxamuud Geelle, wuxuu ka hadlay doorka Eritrea ay ka qaadan karto isu soo dhawaanshaha Somaliya iyo Imaaraadka Carabta.

Daahir Geelle oo la hadlay Idaacada VOA, ayaa wuxuu sheegay marka laga hadlaayo xiriirka Eritrea iyo Imaaraadka inuu yahay mid wanaagsan, islamarkaana door muuqato ay ka qaadan karto Eritrea dib u hagaajinta xiriirka labada dowladood.

Wasiir Daahir Geelle wuxuu sheegay in xiriirka dowladaha Somaliya iyo Imaaraadka uu yahay mid marxalado kala duwan marayo, islamarkaana, labada dowladood ay yihiin kuwa walaalo ah.

“Dowladda Eritrea iyo Imaaraadka oo isku fiican, waxay kaalin mug leh oo macno leh ka qaadan kartaa inay isku soo dhaweyso Soomaaliya iyo Imaaraadka oo arrimo badan oo la kala tabanaayay ay beryahan jireen.”Ayuu yiri Wasiir Daahir Geelle.

Xiriirka dowladdaha Somaliya iyo Imaaraadka Carabta ayaa ah mid aanan wanaagsaneyn, iyadoo taasi ay keentay in Imaaraadka ay joojiyaan hawlo kala duwan oo ay ka wadeen Somaliya.

Labada dowladood ayaa wixii ka dambeeyay mad madowga soo kala dhex galay xiriirkooda, waxa ay raadinayeen dowlado ka qayb qaato isu soo dhaweynta labada dhinac oo dano kala duwan leh.