Shidaal yaraan soo waajahday Itoobiya iyo Colaad Isir oo la kawsaday isbedelka Itoobiya

Addis Ababa, January 21, 2019 (HCTV) Shidaalka yaraan baahsan ayaa laga weriyey inay ka jirto dalka Itoobiya guud ahaan, gaar ahaana magaalada caasimadda ee Addis Ababa, ka dib markii colaad u dhaxaysa laba qoomiyadood oo reer Itoobiya ah colaadi ku dhexmartay deegaamada ay wada degaan dalka Itoobiya.

Dagaaladani oo ku dhisan isir oo u ayaa u dhaxaysa beel ka mid ah beelaha Soomaalida Itoobiya iyo Qawmiyadda Canfarta ee dalka Itoobiya ayaa sababtay in muddo dhawr maalmood ah ay gebi ahaanba xidhmaan isku socodka gaadiidka ee u dhaxeeya wadamada Itoobiya iyo dalka Djibouti.

Kala go’a ku yimid gaadiidkaasi ayaa ka dambaysay ka dib markii boqolaal dadka canfarta ahi ay mudaharaado ka dhigeen magaalooyinka Awash iyo Semera oo ka mid ah deegaamadda Canfarta ee dalka Itoobiya, kuwaasi oo xidhay wadooyinkii, iyaga oo ka cadhaysan iska horimaad dhexmaray iyaga iyo beesha ciise ee Soomaalida Itoobiya.

Sida ay ku waarantay  aku  ibnu Canfar  oo ah page ay maamulaan kooxaha canfarta  ah ee dhinaca siyaasadda u qaabilsan Canfarta Itoobiya, dadweynahani gadoodsan ayaa ka cadhooday ka dib markii sida ay sheegeen weeraro ay u geysteen maleeshiyo beeleed Soomaaliyeed.

Sidoo kalena  ku xigeenka Mayor magaalada Addis Ababa Takele  Uma ayaa ka digay in shidaalka laga iibiyo kooxo oo ugu yeedhay inay ku samaynayaan hawlo sharci darro ah ah. Balse Mr. Takele ma sheegin nooca sharci darradda lagu samaynayo.

Dhinaca kale ururka ay Canfartu leeyihiin ee ka dhisan dalka Itoobiya arduf https://borkena.com/wp-content/uploads/2018/12/The-Old-Dream-of-Greater-Somalia-Bordering-Awash-River-is-the-never-ending-dream.pdf ayaa sheegay inay ka walaacsan yihiin wax ay ugu yeedheen dib u soo cusboonaanta riyadii Soomaali weyn iyo dhul balaadhsi ay wadaan Ciisaha Itoobiya,.

Hadalkani ayay jawaab uga dhigeen shirweyne Soomaalida loogu qabtay dalka Itoobiya bishii Ina dhaaftay ee December 2018.