Muddo kordhinta Golaha wakiiladda oo jidka u xaadhay in la soo xulo guddi cusub oo doorashooyin

Hargeysa, January 21, 2019 (HCTV.TV) Golaha Guurtida Somaliland ayaa maanta meel mariyay qaraar ay muddada ugu kordhinayaan golaha wakiiladda Somaliland muddo 9 bilood ah  (halkani ka daawo codaynta muddo kordhinta https://www.youtube.com/watch?v=XYkpDmqeH1E).

Muddo kordhintani waxay ku soo beegantay waqti ay xisbiyadda siyaasadda Somaliland ku kala qaybsameen kalsoonida guddida doorashooyinka Somaliland ka dib markii xisbiga mucaaradka ah ee Wadani uu su’aal geliyay dhexnimadooda, isla markaana ku baaqay in la kala diro, isla markaana guddi doorasho oo cusub la soo xulo, halka xisbiga talada haya ee KULMIYE iyo UCID-na ay ku adkaysteen in ay guddidani doorashada qabtaan.

Hase yeeshee Muddo kordhintani cusub ayaa meesha ka saartay inay guddida doorashooyinka ee hadda joogtaa qabtaan doorashada golaha wakiiladda Somaliland, sababta oo ah waqtiga loo cayimay doorashada ee  bisha December ee 2019, waxay ku soo beegmaysaa waqti ay dhamaatay muddo xileedkii Komishanka doorashooyinka Somaliland oo ku eg 29/11/2019.

Sida la ogyahay todobada xubnood ee Guddida doorashada Somaliland waxa uu sharcigu dhigayaa in shantii sannadoodba mar la soo xulo, waxaana guddida doorashada ee hadda la soo xulay bishii October ee sannadkii 2014-kii, waxaanay golaha wakiiladu ansixiyeen  November 29-keedii 2014-kii /

Arrintani ayaa keenaysa in waqtiga guddida doorashadu dhamaado maalmo ka hor inta aanay qabanin doorashooyinka golaha wakiiladda Somaliland, sidaasi darteedna waxay noqonaysaa inay xisbiyadu ka arrinsadaan sidii loo soo xuli lahaa guddi doorasho oo cusub, waxaanay taasi wadada  u xaadhaysaa in xisbiga Wadani oo markii hore aan ku qanacsanayn guddida doorashadda ee haddu uu ku soo noqdo saaxadda wada hadalka doorashada ee uu markii hore debada uga baxay.

Dhinaca kale, waxa ay hore xisbiyadda siyaasadda Somaliland iskula qaateen in la kordhiyo xubnaha guddida doorashooyinka oo laga dhigo 9 xubnood halkii ay markii hore ka ahaayeen todoba xubnood, iyaga oo sabab uga dhigay in aanay beelaha Somaliland ka wada muuqan, balse waxa iyaduna su’aali ka taagan tahay xubnahani guddida doorashooyinka oo markii hore tidadooda lagu saleeyey lixda degmo ee A-da ah ee Somaliland in mid walba hal xubini ka timaado, balse qorshaha sagaalka xubnood ayaa la doonayaa in saddexda xisbi qaran mid waliba saddex xubnood soo magacaabo, halka ay markii hore ka ahayd laba xubnood oo madaxweynuhu soo magacaabo, laba Guurtidu soo magacawdo iyo saddexda xisbi qaran oo mid waliba hal xubin soo magacaabo, golaha wakiiladuna ansixiyo.

Komishanka doorashooyinka Somaliland ee hadda joogaa waa kii afraad, waxaana ka horeeyey saddex guddi doorasho oo hore, kuwaasi oo mid mooyee ay inta kale dhamaysteen muddo xileedkoodii.

Ma jiro xeer sheegaya in golaha Guurtidu muddo kordhin u samayn karaan –Guddi Doorasho, mana jiro xeer kale oo sheegaya in guddi doorasho oo waqtigeedu dhamaaday doorasho qaban karto.

Isku soo duuboo waxa la odhan karaa muddo kordhinta Golaha Guurtidu sameeyeen waxay jidka u xaadhay in axsaabta siyaasaddu soo xulaan xubno cusub oo ka garnaqa doorashada soo socota haddii alle idmo