Warbixin cusub oo laga soo saaray Sahanka Saliida Somaliland

Hargeisa January 21, 2019 (HCT.TV) Shirkadda Genel Energy oo ah shirkad ka diiwaan gashan cariga Ingiriiska iyo dalka Turkiga, isla markaana hawlo sahamin dhinaca Saliidda ah ka waday sannadihii ina dhaafay deegaamada Koonfurta Gobolka Togdheer ee Somaliland ayaa warbixin cusub oo ay ka soo saartay sahankeeda waxa ay rajo kaga muujisay in saliid laga helo block-ga ay ugu magac dartay Sl-10-B-13.

Warbixintani oo ay baahisay / petroleum africa.com waxa ay Shirkadda Genel Energy ayaa sheegtey inay dhamaystirtay sahanka Saliida ee ay ka waday Somaliland, gaar ahaana SL-10-B/13 block, halkaasi oo ay 75%  saami ah ku leedahay shirkaddu.

.

Hase yeeshee, shabakadani oo soo xiganaysa shirkaddu waxa ay tidhi “ Somaliland bloga magaciisa la yidhaahdo SL-10-B/13 block, oo ay shirkadda Genel leedahaya 75%, isla markaasina ay ka hawlgasho, shirkaddu way dhamaystirtay hawlihii sahanka waxaanay wadaa faah-faahintii macluumaadkii ka soo baxay sahanka oo ay hadda gacanta ku hayso”.

Sida warbixintu sheegtey shirkadda Genel waxay bilawgiiba sheegtay in block-gani ay ku rajo weyntahay In laga helo saliid hydrocarbon potential. Waxaanay intaasi ku dartay in hawsha qodaalka la bilaabi doono ceelasha u horeeya sannadka 2020-ka.

Sidoo kale waxa ay shirkaddu sheegtey in loo baahan yahay sahan dheeraad ah oo lagu sameeyo deegaanka Oodweyne si loo dhamaystiro xog dheeraad ahna lagaga ogaado xaddiga khayraadka ku jira.