Shaqaalaha maamulka Hawadda Somalia oo sheegay in hawlgudashadooda uu dhabar jab ku noqday amar ka soo baxay wasiirka Duulista Somalia

Muqdisho, January 22, 2019 (HCTV.TV) – shaqaalaha Maamulka Hawadda ee xaruntoodu tahay madaarka magaalada Muqdisho ee xarunta dalka Somalia ayaa cabasho weyn ka muujiyay amaro uu ku soo rogay wasiirka Duulista Hawadda ee dalkaasi.

Cabashadani oo nuqul ka mid ah uu helay Horn Cable waxa ay shaqaaluhu kaga cawdeen Wasiirka inuu ku soo rogay amar la xidhiidha in shaqaaluhu ay wadaagaan hoyga deganaashaha, gaar ahaana in labadii qofka hal qof wadaagaan.

Cabashadani oo ay shaqaalaha maamulka hawadda Somalia qoreen bishii December ee ina dhaaftay laguna socodsiiyey hay’adda ICAO waxay u qornayd sidan. “Naga gudoon salaan ka timid shaqaalaha ICAO ee mashruuca ICAO fiss som 14/802, waxaanu kuugu hambalyaynaynaa shaqadda cusub ee laguu soo magacaabay ee maamulka goobta mashruuca. Si waafaqsan hawsha dib u soo celinta maamulka hawadda Somalia ee ah in shaqaalaha la siiyo hoy iyo adeegga kale ee loo baahan yahay, iyada oo laga siinayo garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Muqdisho. Waxa ku jirtay hawsha dib u soo celinta maamulka hawada in shaqaaluhuna 10% mushaharkooda ku bixiyaan hawshaasi. Waxa arrintani loo sameeyey iyada oo la tixgelinayo xaaladda amniga ee Muqdisho iyo in la helo hawl shaqo oo ah 24-ka saacadoodba.

Bishii December 2018, waxa shaqaalaha maamulka hawada iskugu yeedhay wasiirka Duulista iyo Hawada, Maxamed Cabdillahi Salaad,  waxaanu shaqaalaha ku wargeliyay amar la xidhiidha inay wadaagaan labadii qofba hal qol, cidii aan arrintaasi diyaar u ahayna ay shaqada iskaga tagto.

Dhacdadani oo aan la soo hadal qaadin, annaga fahamkayaga shaqadayadu waxa weeye in aanu isku xidhno dawladda iyo hay’adda ICAO, sidaasi darteedna shaqaalaha ICAO fiss maaha inuu wasiirku sidani oo kale ugu hanjabo, sababta oo ah shaqaaluhu waxay heshiiska shaqo gelinta kula jiraan hay’adda ICAO,  waxaanay ahayd inuu maamulku ogeysiiyo saamaynta dhinac amniga ah ee ay arrintani ku yeelan karto, balse maamulka ICAO FISS wuxuu ku guuldaraysteen inay gutaan waajibkoodii, waxayna ahayd inay ogaadaan xaqa shaqaalaha ee amni la’aanta iyaga oo ka shaqaynaya meel aanay qoyskoodu la deganayn, gaar ahaana sida meel Muqdisho oo kale ah, waxaanay ahayd inay qaadaan talaabooyinka lagama maarmaanka ah si loo ilaaliyo in la helo xaalad wanaagsan oo ay shaqaaluhu ku shaqeeyaan.

Sidoo kale maanka ku haya waxay dawladda Somalia dalbatay lacag qadarkeedu dhan yahay 1, 735,000 oo ay ku sheegtay inay ku dhisayso konton qol oo ay shaqaaluhu galaan, halkii ay konton ka dhisi lahaydna waxa keli ah oo ay dhistay 40 qol. Tanina ma waafaqsana sidii qorshuhu ahaa waana sababta keentay eeg warqadda kale ee aanu halkani ku soo lifaaqnay” ayay ku yidhaahdeen shaqaaluhu warqadoodani cabashada ah oo ka kooban laba bog oo aan mid ka mid ah idiin turjunay.

Dhinaca warqadda ay shaqaaluhu tixraacayaan ee ay dawladda Somalia ku dalbatay lacagta iyo weliba bogga kale ee cabashada shaqaalaha halkani hoose ka akhriso.

Talaabadani cabashada ah ee ay shaqaaluhu qaadeen bishii December ee kal hore, lama oga inay hay’adda ICAO uga jawaabtay iyo inkale, balse waxay shaqaaluhu sheegeen inay arrintani caqabad ku noqotay adeeggii maamulka hawadda Somalia.

Sida la ogyahay dawladda Federaalka Somalia ayaa labadii sannadood ee u dambeeyeyba ku hawlanayd sidii ay maamulka hawadda Somalia ula soo wareegi lahayd, waxaanay sannadkii hore badhtamihiisii sheegtay inay si rasmi ah ula wareegtay maamulka hawaddeeda, balse marka la eego cabashada shaqaalaha iyo xaaladda ay kaga warameen waxay ku keenaysaa hawshaasi dhabar jab weyn