Golaha Iskaashiga Dowlad Gobolleedyada Oo Kulan Deg Deg ah Yeelanaya

Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada ayaa bisha soo socota isugu imaanaya shir degdeg ah, kaasoo ka dhici doona magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee Jubbaland.

Qoraalka uu ku saxiixnaa guddoomiyaha Golaha madaxweynaha dowlad gobolleedka Puntland Cabdi Wali Maxamed Cali Gaas ayaa lagu marti-qaaday madaxweynayaasha ku jira golaha in ay ka soo qeybgalaan shir ka dhici doona 3-da bisha soo socota ee September magaalada Kismaayo ee xarunta maamul gobolleedka Jubbaland.

Lama oga ujeedada ajandaha rasmiga ah ee kulanka waxa xiligan ku soo beegan in ay shir deg deg ah ee lagu baaqay, hasse ahaatee Qoraalka ayaa lagu xusay in looga wada hadli doono oo kaliya danaha dowlad gobolleed-yada iyo tan Qaranka, waxaana ajandaha soo diyaarinaya sida qoraalka ku xusan xoghayaha guud ee Golaha.

Akhriso Qoraalka ka soo baxay Golaha Iskaashiga dowlad gobolleedyada :