Raadad taariikheed oo laga daah-furey Djibouti

Djibouti January 22, 2019 (HCTV.TV) Raadad taariikheed oo aan hore loo ogeyn ayaa laga daah-furey dalka Jamhuuriyadda Djibouti.

Sidaana waxa sheegay koox khubaro Faransiis ah oo sannadahaniba Djibouti ka waday cilmi baadhis la xidhiidha raadadka iyo taariikhda ay dadyawgii hore ee dunida soo marayka tageen.

Sida ay ku warantay shabakada la yidhaahdo ancient origins dhagax iyo qoraalo ay ka tageen dadkii hore ayaa laga helay meesha la yidhaahdo Abourma oo ku taala deegaan ay cimiladiisu aad u kulushahay oo ku yaala waqooyiga dalka Djibouti gaar ahaana agagaarka Randa oo 20mile u jirta caasimadda Djibouti.

Khubaradani ayaa sheegtay in xaradhka iyo qaabka loo qoray dhagxantani ay dunida ka caawin karto in wax laga ogaado taariikhdii hore ee aadmigii ku noolaan jirey deegaamada bariga Afrika, sidaasi darteed ayay dawladda Djibouti waxa ay ku dhawaaqday in goobtani tahay hanta qaranka.

Kooxaha khubaradda ah ee goobtani daah-furey ayaa sheegay in raadadkani iyo qoraaladda lagu sameeyey dhagaxdani ay muujinayaan in bilawgii aadmiga ee beero qodashaddau ay ka bilaabantay halkani marka la eego sida aqoontu ku dheehantahay ee loo qorey dhagaxda waqtigaasi iyada oo ay jirto cimilo adag oo aan aadmiga soo dhaweynayn oo ay halkaasi leedahay.

Taasi oo ka dhigaysa muddo ka badan saddex kun oo sannadood ka hor in la qorey dhagaxdan, gaar ahaana waqtiga ay dunidu u taqaano Neolithic period.

waxay muujinaysaa arrintani in  halkaasi ay ku noolaayeen dad xadaaradoodu aad u sarayso. Taariikhyadana ayaa ku tilmaamay dhaqanka dadka raadadkani ka tegay ay ahaayeen dadka dhaqanka loo yaqaano Asgoumhati oo noolaa 3000 sannadood ka hor.