Madaxweynaha Somaliland oo la filayo inuu kala diro Golayaasha Deegaanka

Hargeysa, January 23, 2019 (HCTV.TV) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa la filayaa inuu kala diro Golayaasha Deegaanka ee dalka bisha February ee sannadkan 2019.

Sida ay HornCable u sheegeen ilo ku dhaw dhaw Qasriga madaxtooyadda Somaliland, waxa ay kala diristani ka dambaysay ka dib markii kulan qasriga madaxtooyadda Somaliland bishii todobaad ku dhexmaray xisbiyada qaranka laga soo jeediyay in golayaasha deegaanka aan muddada loo kordhin, sababta oo ah may fulinin ujeedadii loo doortay.

Sida ay wararku sheegeen, isaga oo madaxweynuhu taladaasi tixgelinaya waxa uu goostay in aanu Guurtida u gudbin muddo dambe oo ay sii joogaan kuraasida, taasi bedelkeeda uu madaxweynuhu soo magacaabo Maayarada degmooyinka inta ka horeysa doorashada Baarlamaanka oo la doonayo in mar lala qabto bisha December ee sannadkani.

Ma jiro war rasmi ah oo ay madaxtooyadda Somaliland ka soo saartay arrintani, balse waxa uu warku intaasi ku daray in madaxweynuhu go’aansaday inuu kala diro golayaasha deegaanka bil ka hor xilliga ay kaga egtahay muddo xileedkii hore ee loo kordhiyay oo ku eg bisha March ee sannadkani.

Todobaadkani ayay ahayd markii ay Golaha Guurtida Somaliland muddo sagaal bilood ah ku kordhiyeen muddo xileedka Golaha wakiiladda Somaliland oo ay iyagana kaga egayd bisha March muddo xileedkii hore loogu soo kordhiyay in ka badan shan jeer.

Golaha wakiiladda Somaliland ayaa la soo doortay sannadkii 2005-tii, halka golayaasha deegaankana la soo doortay sannadkii 2012-kii.

Labadubana way dhaafeen muddo xileedkii la doortay, balse waxa ay ku joogeen uun muddo kordhin ay golaha Guurtidu u samaynayeen marka uu dhamaado muddo xileedkoodu.