Guddi Wasiiro ah oo loo saaray saami qaybsiga gobolada ee Golaha wakiiladda Somaliland

Hargeysa, January 24, 2019 (HCTV.TV) Guddi wasiiro ah ayaa loo saaray inay ka soo talo bixiyaan sida ugu haboon ee ay beelaha iyo gobolada Somaliland u qaybsan lahaayeen kuraasida golaha wakiiladda Somaliland.

Sidaana waxa lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay qasriga madaxtooyadda Somaliland oo uu ku saxeexan yahay afhayeenka madaxtooyadda Somaliland Maxamuud Warsame Jaamac oo laga soo saaray shirkii todobaadlaha ahaa ee ay golaha wasiiraddu yeesheen maanta.

Inkasta oo warsaxaafadeedka lagu sheegay in shirka golaha wasiiradda oo uu gudoominayay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi lagaga dooday saami qaybsiga golaha wakiiladda, haddana laguma sheegin wax cusub oo kale, marka laga reebo in guddi wasiiro ah oo ka soo talo bixiso loo saaray.

Arrinta Saami qaybsiga kuraasida golaha wakiiladda Somaliland ayaa ah caqabada ugu weyn ee hortaagan doorashada golaha wakiiladda, isla markaana ay gobolada iyo beelaha qaarkood rumaysan yihiin inay ku dulman yihiin.

Dhinaca kale, madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa kulamo la xidhiidha arrintaasi wuxuu todobaadkani la yeeshay madax dhaqmeedka gobolka Awdal, kuwaasi oo sheegay inay madaxweynaha ka wada hadleen arrinta saami qaybsiga, balse war intaasi dhaafsan may sheegin