Tiradda Heshiisyada ay Somalia gashay sannadahani iyo kuwa ay joojisay

Muqdisho, January 24, 2019 (HCTV.TV) Dawladda federaalka ah ee Somalia ayaa gashay in ka badan 38 heshiis oo kala duwan intii u dhaxaysay 2014-2018. Kuwaasi oo qaar badan oo ka mid ah ay joojisay amaba ay dalbatay in dib looga wada xaajoodo.

sida ay baahisay Wasaaradda Maaliyaddda Somalia, heshiisyadani qaar waa lagu noqonayaa qaar way taagan yihiin, kuwo kalena waqtigii ayaa ka dhacay halka kuwo kalena ay gebi ahaanba joojisay.

Heshiisyadani waxa ka mid ah heshiiska daabacaada Passport-ka Somalia oo ay xukuumadda Somalia heshiis kula gashay shirkad magaceeda la yidhaahdo .Ekbaraat. oo ay dawladda Somalia heshiis la saxeexatay sannadkii 2018-kii  hase yeeshee, waxa ay wararku sheegeen in heshiiskani ay horistaagtay shirkad kale oo hore ugu daabici jirtay Somalia passportska.

Dhinaca xukuumadda Somalia waxay joojisay tobanaan heshiis oo ay kula jirtay shirkado kala duduwan oo iskugu jira Soomaali iyo Ajaanib, kuwaasi oo dhamaantoodba ka shaqaynayay hawlaha adeegyada kala duwan ee dalkaasi, sida maamulka hawadda, dekedaha, iwm.

Haddaba, heshiisyadani iyo waxa ay kala yihiin halkan hoose ka daalaco.

http://mof.gov.so/sites/default/files/2018-12/FGC%20Reviewed%20Contracts%20list%20-%20Nov%202018.pdf