Cilmiyadda Aadmigu u daba Fadhiisto Islaamka

Hargeysa, January 27, 2019 (HCTV.TV) – Tan iyo intii la abuuray aadmiga dadka dunidu waxay ku jireen tartan dhinaca nolosha iyo cilmiga ah, waxaanay ilaa maanta dadyawga dunidu ku hawlan yihiin wax ka ogaanshaha  kawnka aynu ku nool nahay iyo meerayaasha ku xeersanba.

Haddaba min bilawgii aadmiga ilaa maantadani aynu nool nahay dunida waxa ka jiray xadaarado kala duwan oo is-dhaxlayay. Hase yeeshee, xadaaradaha inta badan la sheego wax ka mid ah xadaarad ay lahaan jireen dadka Giriiga,  Masaarida,  iyo dadyaw kale.

Hase yeeshee, intii ka dambaysay markii diinta Islaamku soo degtay dadka Muslimiinta ah halbeegoodu wuxuu ku salaysnaa diinta Islaamka, balse waxa ay haddana soo kordhiyeen cilmiyo badan oo aadmigu u aayay. Waxaana ka mid ah Cilmiga Xidigisga (Astronomy and cosmology)

Cilmiga Noolaha iyo Beeraha (Botany) , Cilmiga Juquraafiga iyo samaynta khariidadaha (Geography and cartography) , xisaabta (Mathematics) daawadda iyo daawaynta (Medicine) arraga iyo qiyaasaha muggaga (Optics and ophthalmology) kaydinta daawooyinka (Pharmacology) fiisigiska (Physics)

Iyo cilmiga barashada Bulshada (Zoology)

Cilmiyadani ay dadkii aqoonyahanadii hore eee Muslmiintu ku hogaaminayeen dunida waxa ay noqdeen saldhiga xadaaradda dunida ee maanta. Haddii aan la baranin cilmigoodana aanay adduunyadani aynu ku nool nahay gaalo iyo Islaam midkoodna aanu gaadhayn wax xadaaradda ah.

Daah-furkani cusub ee Muslimiintu dunida u sameeyeen waxa ku kelifay sababo la xidhiidha caqiiqadooda oo ay ka mid tahay salaadu, tusaale ahaan marka ay safraan waxa ay u baahnaayeen in meel kasta oo ay joogaan ay ogaadaan dhinaca ay ka xigto qibladu iyo saacadaha ay ku beegan tahay salaadu.

Haddaba shabakadda HCTV.TV waxa ay si taxane ah todobaadkiiba laba jeer idiinku soo gudbin doontaa cilmiyadaasi aynu kor ku soo sharaxnay iyo culimadii daah-furtey iyo waliba taariikhdooda nololeed.

Si aad uga bogato maalin kasta oo Jimce ilaa Axad kala soco