Wasiirka Beeraha Zimbabwe oo ka hadlay xaaladda Somalia “Somalia Subax uun kumay toosin Xaaladda ay tahay Wasiirka Beeraha Zimbabwe

Harare, January 28, 2019 HCTV.TV) “Somalia subax uun kumay toosin xaaladda ay tahay” sidaa waxa yidhi Wasiirka Beeraha Zimbabwe Perrance Shiri oo la hadlayay dadka dalkiisa, ka dib markii ay ku dhaqaaqeen mudaharaado baahsan oo ay kaga cabanayaan xaaladaha nololeed ee ay la nool yihiin.

Hase yeeshee, Wasiir Perrance waxa uu dadka dalkiisa ugu hanjabay haddii ay mudaharaadada sii wadaan inay geli doonaan xaaladda ay hadda ku sugan tahay Somalia.

Hanjabaada Wasiirka ayaa la xidhiidha ka dib markii ay dawladda dalkaasi cambaarayn caalami ah kala kulantay milateriga dalkaasi oo ay u dalbatay inay kala eryaan mudaharaadayaasha. “wadan waliba marka ay mudahaarado dhacaan wuxuu ugu yeedhaa bileyska si ay u kala dareeriyaan, haddii ay awoodi waayaana ciidanka militeriga ayay ugu yeedhaan. Markaa dadku waxay doonayaan inay gubaan Haraare (Caasimadda Zimbabwe) annaguna waxaanu ciidanka ugu yeedhnay inay ka joojiyaan” ayuu yidhi.

Laakiin Wasiir Perrance oo si gaar ah uga hadlayay arrinta Somalia waxa uu yidhi.  Wadamada sida Somalia subax keli ah kuma ay soo toosin xaaladda ay hadda ku sugan yihiin, waxay ahayd uun mid ka bilaabantay waxyaabo yar yar, oo laga hortegi karayay, mar ayaan tegay Muqdisho waxaanan ku arkay inay tahay meel bahalo galeen oo kaabayaashii dhaqaale oo dhani meesha ka baxeen”. Ayuu yidhi, waxaanu intaasi ku daray oo uu yidhi. “wadankeena qaaliga ah ee Zimbabwe wuxuu leeyahay waxoogay horumar ah marka loo eego Muqdisho, balse waxa muhiim ah in aynaan dalkeena ka dhigin sidaasi oo kale waxaynu leenahay dastuur ujeedadiisu tahay in lagu dhaqmo haddii ay jiraan waxyaabo laga cabanayaa”