Kampala/Muqdisho (HCT.TV) Wasaaradda Arrimaha Debada ee Somalia ayaa jawaab kulul ka bixisay weedho uu ku tiraabay madaxweynaha Uganda Yuweri Museveni.

Dawladda Somalia waxa ay sheegtay inay gebi ahaanba hakisay xidhiidhkii ay la lahayd Uganda. Sidaana waxa ay ku sheegtay warsaxaafadeed kooban oo ay soo saartay wasaaradda ARrimaha Debada ee Somalia. Warsaxaafadeedkani wuxuu u qornaa sidan “Maanta oo ay taariikhdu tahay 28 Janaayo, Wasaaradda Arrimaha debada iyo Iskaashiga Caalamiga ah oo xiganaysa hadal ka soo yeerashay madaxweynaha Uganda Mr. Yoweri Museveni ee ahaa in dawladda Somalia aysan u shaqaynin sidi qaran jira, wasaaradda Arrimaha debada iyo Iskaashiga Caalamiga h, waxay cadanaysaa inay hakisay xiriirkii kala dhexeeyey dawladda Uganda.

Dawladda Somalia ayaa uga digeysa dawladaha Caalamka inaysan ku xadgudbin jiritaanka qaranimada Somalia” ayay wasaaradda Arrimaha Debada Somalia ku soo gebagabaysay warsaxaafadeedkeeda.

Hadalkani Somalia wuxuu ka dambeeyey ka dib markii Madaxweynaha Uganda oo ka hadlayay kulanka sannadlaha ah ee Garsoorayaasha uu yidhi. “waxa jira wadamo badan oo aan dawlad ahayn, way joogaan halkan, balse ma laha maamul dawli ah oo shaqeeya, Somalia waa ka mid kuwaasi. Waxa kale oo jira kuwa oo aanan sheegayn iyaga sababo la xidhiidha dhinaca diblomaasiyadda awgeed”.

Sida muuqata madaxweynaha Uganda saddex shay ayuu ku sheegay. Midi waa inay dawladda Somalia ka mid tahay dawladaha aan jirin, midina waa inay aanay maamulin dalkeeda. Arrinta saddexaadna wuxuu ku sheegay inay jirto dawlad jirta oo aanu sheegayn sababo la xidhiidha dhinaca diblomaasiyadda.

Hase yeeshee, dawladda Somalia ayaa fasirtay dawladda aanu sheegayn ka dib markii ay warsaxaafadeedkeeda ku tidhi “Dawladda Somalia ayaa uga digeysa dawladaha Caalamka inaysan ku xadgudbin jiritaanka qaranimada Somalia”.

Hadalkani ayaa loo fasirtay inuu dawladda Somalia u fasiratay dawladda aanu sheegin inay tahay Somaliland.

La soco xogaha ka soo kordha warkani