Fursad sharci oo ay madaxda Somaliland u siiyeen Somalia sheegashada Berbera

Hargeysa, January 29, 2019 (HCTV.TV) Warbixin falanqayn sharci ah oo laga sameeyey doodda sheegashada Somalia ku sheegato inay talo ku yeelato heshiisyada ay dekedda Berbera ay xukuumadda Somaliland kula gasho dal amaba shirkad shisheeye ayaa muujisay in xukuumadda Somaliland madaxdeedu fursad sharci u siiyeen dawladda Somalia sheegashadeeda, balse aanu jirin sharci caalami ah oo u ogolaanaya inay saamayn ku yeelato heshiisyadaasi.

Warbixintani oo lagu baahiyay joornaalka African Journal of Political Science and International Relations, ee ku taariikhaysan Vol. 11(7), pp. 182-192, July 2017  tirsigiisuna yahay DOI: 10.5897/AJPSIR2017.1021 Article Number: 29B712C64918, isla markaana uu qoray Najah M. Adam,  waxa lagu sheegay in heshiisyadii dhexmaray Somaliland iyo Somalia markii ay wada hadalada la furtay xukuumadda KULMIYE ay qodobo ka mid ahi u fursad u siiyeen Somalia sheegashada sharci ee ay Berbera taladeeda ku yeelanayso.

Warbixintani oo aad u dheer dhinac walbana laga eegay, waxaanu idiinka soo turjunay inta la xidhiidha dhinaca sharciyadda. “Somalia waa Atooraha sharciga ah ee Berber oo ku salaysan xagga siyaasadda. Waxay diiday heshiiska saldhigani military, ha noqdo mid gaar ah amaba mid dawli ah. Waxaase run ah in la aqoonsado in Somaliland ay siyaasad ahaan iyo dhul ahaanba u maamusho xuduudaheeda. Marka si kale loo dhigo waxay ka fulisaa dhulkeeda hawlaha maamulka ee ay ka hirgelisay, waxaanay ka urursataa chasuurta, waxaanay dadkeeda siisaa adeegyo kala duwan, waxay qabatay doorashooyin dimuqraadi ah oo lagu guulaystay, balse taasi may keenin in ay hesho shakhsiyad caalami ah. Hase yeeshee, Somalia waxay sii wadaa sheegashadeeda ah inay iyadu tahay dawladda sharciga ah ee halkaasi, iyada oo ku doodaysa sharciyadii dawladdii hore ee Somalia ee dhulkaasi qayb ka ahaan jirey iyo daladda xeer dhaqameedka caalamiga ah. Marka la eego warmurtiyeedkii ka soo baxay dhammaadkii kulankii dhexmaray Somalia iyo Somaliland 13-kii April 2013, waxa lagu baaqay inay labada dhinac iska kaashadaan dhinaca amniga, taasi oo ka horimanaysa saldhiga military ee Berbera, waana tani oo keli ah waxa keli ah ee ay –Somalia ku doodayso inay iyadu u dawlad tahay (Somaliland) , isla markaana ka dhigaysa inay atoore siyaasadeed ka noqoto saldhiga military ee Berber” ayaa lagu yidhi qoraalka.

Haddaba, Somaliland dib ma u eegi doontaa heshiisyadaasi mise halkoodii ayay ku dayn doontaa oo waxay dhabayn doontaa sharciyadda Sheegashada Somalia, mise way ka bixi doontaa. Waa su’aal weli taagan.

halkan ka akhriso warbixinta oo dhamaystiran

https://academicjournals.org/journal/AJPSIR/article-full-text-pdf/29B712C64918