Ethiopia oo Faahfaahisay Weeraro ay ka Fulisay Gudaha Soomaaliya.

Image result for ethiopian air force

Warbaahinta Fana ee ku hadasha afka dowladda Itoobiya ayaa kusoo warrantay in ciidammada cirka ee dowladda Itoobiya ay duqeyn ku dileen 35 dagaalamayaal oo katirsan ururuka Al Shabaab.

Itoobiya ayaa sheegtay in weerarkan uu dhacay 24kii bishan Janaayo.

War qoraal ah oo kasoo baxay wasaaradda gaashandhigga ayaa sidoo kale lagu sheegay in duqeynta ay socotay 44 daqiiqo, lagu bartilmaameedsaday saldhig ay Al Shabaab ku leeyihiin degmada Buurhakaba oo qiyaastii 75 kilomitir dhanka bari kaga beegan magaalada Baydhabo.

Militariga Itoobiya waxay sidoo kale sheegeen in madaxa howlgalka Al Shabaab ee deegaankaasi, Abdul Cismaan ay ku dileen weerarka iyo in burburiyeen afar kamid ah gawaarida dagaalka.

Ururka Al Shabaab ayaa horay u sheegay in ciidamo katirsan Itoobiya ay ku weerareen inta u dhaxeysa magaalooyinka Baydhabo iyo Burhakaba, waxaana ay shegeen inay halkaasi ku dileen tobaneeyo kamid ah ciidammada Itoobiya.

Hasayeeshe, hadalkan kasoo baxay wasaaradda gaashaandhigga Itoobiya waxaa beeniyay ururka Al Shabaab.