Xaaladda Jigjiga oo Degen.

Image result for JIGJIGA

Waxaa maanta deggan xaaladda magaalada Jigjiga ee Dowlad Deegaanka Soomaalida kaddib markii ciidammada militariga ay la wareegeen waddooyinka magaalada Jigjiga.

Saraakiisha Dowlad Deegaanka waxay sheegeen in la dejiyay xaaladda isla markaasna magaalada ay hadda xasiloontahay.

Rabshadihii shalay ka dhacay Jigjiga waxaa ku dhintay labo qof halka ugu yaraan saddex qof ay ku dhaawacmeen qalalasaaha.

Rabshadahii shalay ka dhacay Jigjiga ayaa waxaa u dhexeeyay qaar kamid ah qowmiyadaha wada deggo dalkaasi.