Ugu yaraan 28 Qof oo ku Dhintay Doonyo ku degay Djibouti

Ugu yaraan 28 qof ayaa ku dhimatay labo doonyood oo ku qalibmay xeebaha dalka Jabuuti, sida ay sheegtay laanta Qaramada Midoobey u qaabilsan muhaajiriinta.

Qof kamid ah dadka kasoo badbaaday badda ayaa sheegay in 130 qof ay saarnaayeen doomaha, waxaa hadda socotaa howlaha samatabixinta ee lagu raadinayo dadka maqan.

Dalka Jabuuti ayaa bilooyinkii lasoo dhaafay noqday marin ay sii kasii tallaabaan muhaajiriinta ku wajahan kacanka Cadmeed.