Sun albaabadda u laabtay dugsiyadda waxbarashada Caasimadda Thailand

Bankok January 30, 2019 (HCTV.TV) Qiiq sun ah ayaa albaabadda u laabtay in ka badan 400 oo goobood oo wax lagu barto oo ku yaala magaalada Bankok ee xarunta dalka Thailand.

Sida ay ku warantay BBC-du suntani waxay ka dhalatay qiiqa uumi baxa ah ee ay soo daayaan warshaduhu, taasi oo keentay in qiiqaasi noqdo hawo adag oo sida siigadda ah oo hadhaysay hawadda magaaladda Caasimadda ee dalkaasi.

Qiiqaasi waxa loo yaqaan dhinaca sayniska PM2.5 waxaanu gebi ahaanba qariyay hawadda magaaladda, waxaanu caqabad ku noqday isku socodka gaadiidka, shaqadda dhismayaasha iyo inuu gubay midhihii soo baxayay, waxaana arrintani lagu eedeeyey inay sababeen warshadaha oo aan si fiican u maamulin qiiqa ay soo saarayaan.

Masuuliyiinta dalkaasi oo isku dayay inay sifeeyaan hawadda ayaa iyaguna ku guuldaraysatay hawshaasi.

Dawladdu way isku dayday inay samayso daruuro macmal ah oo ay roob ahaan u da’siiso, waxaanay dhintay gaadiidka maraya wadooyinka, iyo meelaha kale ee uu qiiqu ka soo baxo, balse tani waxba kama ay tarin dhibaatadii taagnayd in yar uun mooyaan’e.

Waxa kale oo ay ka dalbatay kuwa u dabaaldegaya sannadkooda cusub todobaadka soo socda in aanay waxba gubin, nalal badana aanay shidin.

Sida ay sheegtay hay’adda caalamiga ah ee tayadda hawadda dunidu waxa ay hawadda magaalada Bankok tayadeedu maraysaa derejadda 170, taasi oo ka dhigaysa mid aan caafimaad ahaan lala noolaan karin. Hase yeeshee, tani waxay ka hoosaysaa magaalada New Delhi, oo waqti xaadirkani dikhowga hawaddu cagacagaynayo derejadda 390, taasi oo ah khatar caafimaad halkii ugu hoosaysay inta dunida la ogyahay.