Malaayiin Muslimiin Ah oo Maanta Tagaya Buurta Carafo

Malaayiinta Muslimiinta ah sanadkan xajinaya ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda ka soo anbabaxaan deegaanka Mina iyaga oo u jiheysan doona Buurta Carafo,halkaasoo lagu wado in ay ku gutaan mid ka mid ah Ruk-niyada ugu muhiimsan Xajka.

Qaban-qaabo xoog leh oo arintan ku saabsan ayaa socta iyadoo basas looga soo qaadayo degaanada ay kala degan yihiin, waxaana ay isugu tagayaan dhulka barakaysan ee Sacuudiga si ay u soo gutaan waajibaatka Xajka ee sanadkan.

Amaanka ayaa siweyn loo adkeeyay waxaan la arkayaa ciidamo aad u badan oo ku sugan weyn ee magaalada Maka Al-mukarama, waxaana gawaarida laga mamnuucay isticmaalka wadooyinka Masaajida Barakaysan.

Saraakiisha ku howlan arrimaha xajka ayaa sheegay in sanadkan ay laba laabeen dadaalka iyo u adeegista martida dhulka barakeysan.

Maalinta Berri ah ayaa guud ahaanba dunida muslimka looga diyaar-garoobayaan u dabaal-dega maalinta koowaad Ciidul Adxaa oo ka mid ah ciidaha ugu waaweyn ee Muslimiintu leeyihiin.