Somalia oo warbixin lagaga dhegeysan doono Caruusha

Caruusha, February 1, 2019 (HCTV.TV) shirweynaha madaxda adduunka oo maanta ka furmay magaalada Caruusha ee dalka Tanzania ayaa lagu soo bandhigi doonaa warbixin la xidhiidha dalka Somalia oo hore u dalbaday inuu xubin ka noqdo wadamada iskaashiga dhaqaalaha ee bariga Afrika.

Shirkani ay iskugu yimaadeen madaxda bariga waxa ka soo qayb galay saddex madaxweyne oo kala ah  John Magufuli  oo ah madaxweynaha Tanzania ee martida loo yahay, Uhuru Kenyatta Kenya, Yoweri Museveni  Uganda iyo Paul Kagame Rwanda, waxaanse ka soo qayb gelin, laba xubnood ka mid ah lixda xubnood ee xubnaha ka ah ururkani, kuwaasi oo kala Pierre Nkurunziza iyo  South Sudan Salva Kiir, kuwaasi oo u soo kala wakiishay madaxweyne ku xigeenka iyo wasiirka arrrimaha debadda.

Sida ay sheegtay xoghaynta EAC waxyaabaha ajandaha ugu jira ee shirkani hadheeyey waxa ka mid ah in golahani taageero dawladda dalka Kenya oo u ordaysa inay xubin ka noqoto golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay sannadka 2021-2022.

Waxa kale oo kulankani lagu soo bandhigi doonaa warbixin la xidhiidha halka uu marayo dalabka ay Somalia ku doonayso inay xubin kaga noqoto ururkani.

Warbixintani waxay qiimayn doontaa awoodda xagga kastamada ah ee ay Somalia leedahay iyo sida ay xadadkeeda u ilaaliso.

Golahani waxa hadda Gudoomiye u ah, madaxweynaha dalka Uganda  Museveni oo todobaadkani sheegay in aan Somalia dawlad loogu yeedhi karin

Hase yeeshee, golahani dhaqaale ee bariga Afrika wuxuu ahaa mid markii hore ay aasaastay dawladdii Ingiriisku dagaal weynihii labaad ee adduunka, waxaanay wadamada xubnaha ka ahaa markaasi ahaayeen wadamadii wadajirka u isticmaali jirey lacagtii la odhan jirey East African Shilling, waqtigaasi waxa golahani xubin buuxda ka ahayd Somaliland, balse xukuumadda Somaliland ee hadda ayaan wax war ah ka soo saarin arrintaasi.