Xubno Laga Saaray Xisbiga DDSI

Xubno Laga Saaray Xisbiga DDSI

Guddoomiyaha Wakiilada oo Raali gelin Siiyay Dahabshiil
Xuutiyiinta YEMEN Oo Magacaabay Safiir U Fadhiyi Doona IRAN
Sawiro Aan Hore loo Arag oo Muujinaya Weerarkii 9/11.
Somaliland Oo Wefti U Diraysa Maamul-gobolleedka Jubbaland
” Xildhibaan Naasir Cali Shire Khalad ayuu galay” Xil. C.Qaadir Xaamud
Kaddib kulan maalmihii ugu danbeeyayba uga soconayay magaalada Addis Ababa xubnaha ugu sareeya xisbiga ka arimiya dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa leysku afgartay in ka mid ahaanshaha xisbiga laga saaro saddex xubnood oo ku ku eedeysan in ay ka danbeeyeen rabshadii ka dhacay magaalooyinka waaweyn ismaamulka Soomaalida.

Shir jaraa’id oo uu Axmed Shide ku qabtay Addis ababa, kaddib gabagabadii kulankaas, ayuu ku sheegay in 3 xubnood laga saaray guddiga fulinta, 8 xubnoodna laga saaray golaha dhexe ee xisbiga.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in xisbigu go’aansaday in tallaaabo laga qaaday cid kasta oo qeyb ka noqotay kicinta bulshada iyo rabashadii dhimashada sababay ee ka dhacay deegaannada Ismaamulka Soomaalida Itoobiya.

‘’Waxaa jirta talaabo xagga sharciga la xidhiidhta oo laga qaadayo dadka dambiyada gaystay intii ay rabshaduhu socdeen, “ayuu yiri Axmed Shide.

Laakiin guddoomiye Shide ma uusan sheegin magacyada xubnaha isku darkoodu gaarayo 11ka ruux ee laga saaray golaha fulinta iyo golaha dhexe ee xisbiga.

Hadalka wasiir Axmed Shide ayaa ku soo beegmaya ayadoo magaalada Addis Ababa ay sidoo kale kulan u fadhiyaan guddoomiyeyaasha 11ka gobol ee DDSI iyo 5ta xubnood ee gobol kasta ugu sarraysa xagga maamulka, iyo sidoo kale wasiirrada iyo wasiir ku xigeennada maamulka DDSI.

Source Hiiraan

COMMENTS

%d bloggers like this: