Wafdigii Eriteriya oo La Sagootiyay.

Image may contain: 2 people, people smiling, people standing and beard

Waxaa saaka ka ambaba baxay waftigii uu hogaaminayay Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Eriteriya Cismaan Saalax Maxamed oo saddexmaalmood Booqasho Rasmi ah ku joogay Somaliland.

masuuliyiinta arrimaha dibadda ee somaliland oo uu hogaaminayay wasiir yaasiin Maxamuud faratoon ayaa madaarka caalamiga ah ee Cigaal kusii sagootiyay waftiga Eriteriya oo raacay diyaaradda Ethiopia.

waa waftigii ugu sareeyay ee ka socda urur Goboleedka IGAD ee somaliland yimaadda muddo ka badan 20 sano oo lasoo dhaafay.

intii ay dalka joogeen, waxay la kulmeen Madaxwaynaha somaliland Muuse biixi Cabdi, iyo masuuliyiinta Baarlamanka oo ay ka waraysteen xaaladaha ammaanka,dhaqaalaha iyo Siyaasadda.