Mozambique: Daacuun Iyo Duumo Ka Dilaacay

Beira, (HCTV) – Hay’adaha Gargaarka ka shaqeeya ayaa kor u qaaday cabsida laga qabo inay xanuuno ka dhashaan nadaafad-darrada ka dhalatay Roobab duufaano watay oo 8-dii Maalmood ee u dambeeyay ka da’ayey Dalkaasi, kuwaasi oo ay ka dhasheen Dadad waaweyn oo daboolay goobihii ay ku kaydsanaayeen Biyihii Nadiifta ahaa ee Dadku cabbayeen.

Dhakhaatiirta la’ Tacaalaya Xanuunnada ka dillaacay Mozambique

Qaylo-dhaantan ay soo saareen Hay’adaha gargaarka ayaa sheegaysa inay suurto-gal tahay inay kordhaan Dadka ay soo ridanayaan Xanuunnada Duumada iyo Daacuunka oo ka dillaacay meelo ka mid ah Dalka Mozambique 8-dii Maalmood ee u dambeeyay.

Laanqayrta Cas ayaa War ay soo saartay ku sheegtay in la diiwaangaliyey Kiisas Daacuun ah oo ka dilaacay Magaalada Beira, isla-markaana ay sii kordhayso tirada uu asiibay cudurku Duumadu.

Henrietta Fore, oo ah Madaxa hay’adda Qaramada Midoobay ee UNICEF ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AFP in Biyuhu ay ka istaageen magaalada Beira, isla-markaana ay jirto fayo-dhowr la’aan dhalisay inay dilaacaan xanuunada Daacuunka iyo Duumadu, waxaana arrimaha khatarta sii kordhinaya ka mid ah in Meydad ku hoos jira dhismayaal dumay.

Roobabka Duufaantan wata oo loogu Magac-darray Idai, ayaa Xanuunnada ka dhashay ka sakow, waxay burburisay magaalo-dekedeedda Beira, waxaana muuqaallada laga soo gudbiyey halkaasi lagu arkayaa Dadka oo si Mutadawacnimo ah jidadka uga guraya Dhagaxaan waaweyn oo Duufaantu soo rogtay oo kala xidhay Waddooyinka.

Hay’adaha ayaa isku dayaya inay gurmad degdeg ah u helaan dad lagu qiyaasay 1.7 milyan qof oo ay saamaysay duufaantani, taas oo sidoo kalena dalka Mozambique oo kaliya ku dishay in ka badan 293.

HCTV News Desk