Malaayiin qof oo Baafinaya Bartii Madaxwayne Kenya.

Nairobi, (HCTV) – Malaayiin qof oo ka mid ah Dadkii Madaxweynaha dalka Kenya, Uhuru Kenyatta kala socday Baraha Internet-ka ee loo yaqaano (Social Media), ayay u suurto-geli wayday inay kala socdaan, laga bilaabo Jimcihii la soo dhaafay oo ku beegnaa 22-ka bishan March ee Sannadkan 2019.

Madaxa Shaqaalaha Madaxtooyada Kenya, Nzioka Waita oo Warbaahinta la hadlay ayaa xaqiijiyey in Madaxweynuhu si ku meel-gaadh ah u hakiyey adeegsiga Barihii uu ku lahaa Facebook iyo Twitter, isagoo sababta ku sheegay in Madaxweynaha Magaciisa lagu samaystay Ciwaanno been abuur ah, kuwaasi oo  lagu baahiyey Qoraallo  iska hor keenaya Madaxweynaha iyo Dadka ay xulafada dhinaca siyaasadda ay yihiin.

Madaxweynaha Dalka Kenya, Uhurru Kenyatta

Masuulkan u hadlay Madaxweyne Uhurru Kenyatta ayaa sheegay in Ciwaannada Uhuru sidaa ahaan doonaan muddada la hubinayo Dadka samaystay Ciwaannada been abuurka ah, si Tallaabo looga qaado.

HCTV News Desk