Dibed-baxyo Lagu Dalbanayo Afti Labaad Oo Ka Dhacday London

London, (HCTV) – Boqolaal kun oo qof ayaa dibad-baxyo ka dhigay badhtamaha magaalada London ee caasimada dalka Ingiriiska, kuwaas oo dalbanayay afti labaad oo lagaga baxayo Midawga Yurub.

Waxaanay dadka soo abaabulay isku soo baxyadan ay ku boorinayaan Baarlamaanka UK in cod dambe loo qaado ka bixitaanka Midawga Yurub oo afti dib loogu soo celiyo shaxabka, waxaanay dawlada ka doonayaan in la soo dhigo xal kama dambays ah oo ah Afti labaad oo shacabka laga qaado.

Kumanaan qof oo Dibad-baxyo ka dhigay London

Dadka isku soo baxan dhigayey ayaa la arkayey iyagoo sita calamada dalka UK iyo calanka Midawga Yurub, waxaana dhamaan dadku ay iskaga kala yimaadeen gudaha iyo koonayaasha caasimada London si ay dareenkooda u muujiyaan.

Hase yeeshee dibadbaxan ayaa imanaya kadib markii todobaadkii hore Raysal Wasaare Taraysa May iyo Hogaamiyeyaasha Midawga Yurub ay isku raaceen in dib loo dhigo ka bixitaanka midawga Yurub oo ku eeg 29-ka bishan March oo laga dhigo ilaa April 12-keeda, isla markaana la furo wakhti baarlamaanku uu ku gudbiyo heshiiska ka bixida Midawga Yurub.

HCTV News Desk