Somaliland: Madaxweyne Biixi Oo Saaka Jeedinaya Khudbad-sannadeedka 2019-ka Iyo Qodobbada Hor-yaalla

Hargeysa (HCTV) – Madaxweynaha Somaliland, Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa Maanta Labada Gole ee Baalamaanka (Wakiillada/Guurtida) u jeedinaya Khudbad-sannadeedka 2019-ka ee Dastuuriga ah.

Khudbaddan oo sannad walba uu hal mar Madaxweynuhu u jeediyo Labada Aqal ee Baarlamaanka, ayuu kaga hadlaa Xaaladaha kala duwan ee Dalka, sida Siyaasadda Arrimaha dibedda, Siyaasadda Arrimaha gudaha, Amniga iyo Arrimaha Bulshada wixii horumar laga sameeyay iyo wixii qabyo ah ee loo baahan yahay in la horumariyo.

Madaxweyne Biixi oo khudbaddani tahay tii labaad ee uu u jeediyo Labada Aqal ee Baarlamaanka, ayaa la filayaa inuu kaga hadli doono Arrimo ay ugu muhiimsan yihiin, siyaasadda arrimaha dibedda, gaar ahaan Wada-hadallo mar kale dhex mara Somaliland iyo Soomaaliya, kuwaasi oo Dalalka Beesha Caalamku bilihii u dambeeyay ka shaqaynayeen sidii u qabsoomi lahaayeen.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi

Waxa kale oo la saadaalinayaa in Madaxweynuhu uu khudbad-sannadeedkan kaga hadli doono dib u dhaca doorashooyinka Wakiillada iyo Goleyaasha deegaannada, kuwaasi oo Sabtdii Shalay Guddiga doorashada Madaxweynaha iyo Goleyaasha kale ee Somaliland ku eedeeyeen inay door ku lahaayeen inay qabsoomi waayeen.

HCTV News Desk