Somalia Oo U Yeedhay Safiirkeedii Geneva U Fadhiyey

Geneva, (HCTV) – Dawlada Somalia ayaa u yeedhay safiirkeedii u fadhiyey caasimada dalka Switzerland ee Geneva si ay wax uga waydiiso sababta keentay inay ka aamustay kulan lagaga soo horjeeday Qabsashada Israel ay ku haysato buuralayda Golan-Heights ee dalka Suuriya, oo dhawaan Madaxweyne Trump uu u aqoonsaday in Israel ay leedahay.

Dawlada Somalia, gaar ahaana Wasaarada Arimaha Dibada Somalia, ayaa Safiirada Somalia ee Geneva Faadumo Cabdilaahi Maxamuud ugu yeedhay inay Muqdisho Timaado sida ugu dhakhsaha badan Mudo todobaad ah, si wax looga waydiiyo sababta keentay inay ka aamusto shirkan ay soo qabanqaabisay UNRHC ee ka dhanka ahaa go’aanka dawlada Maraykanka ee qadiyada Buuralaydaasi.

Waxaana la ogyahay in Dawlada Somalia ay ka mid tahay ururka Jaamacada Carabta, arintaasina ay wax lala yaabo ay noqotay, maadaama oo 26-kii ee shirka joogay ay 16 dal ka soo horjeesteen Go’aanka Trump uu Israel ugu aqoonsaday buuralaydaasi, halka 5 dal oo Somalia ka mid tahayna ay ka aamuseen.

Muuqaalka Warqada Dawlada Somalia ugu yeedhay S.S Geneva Marwo Faadumo

Arintan ayaa imanaysa kadib markii todobaadkan uu Madaxweyne Trump uu Buurahaasi Golan Heights uu u aqoonsaday in Israel ay leedahay, isagoo horena Qudus u aqoonsaday Caasimada Israel.

muuqaalka buuralayda Golan-Heights oo Israel ay qabsatay 1967-kii

Dhinaca kale Madaxweynaha dalka Maraykanka oo socdaal wakhti xaadirkan ku maraya dalalka Latin America ayaa lugtii ugu horaysay ee socdaalkiisa ku tagay dalka Brazil, waxaana safarka Trump ee xiligan loogu magac daray Trump of the Tropics.

HCTV News Desk