Thailand Oo U Dareeray Goobaha Codbixinta Doorashooyinka

Bangkok, (HCTV) – Dalka Thailand ayaa maanta oo Axad ah looga dareeray doorashooyinka guud kadib mudo uu dib u dhac ku imanayey doorashada, taas oo la filayo in Prayuth Chan-ocha, oo ah generalkii hogaaminayey afgabigii lagaga soo horjeeday dawladii ugu dambaysay ee dalkaasi uu doortay shan sano ka hor, ayaa wakhtigan la filayaa inuu dib ugu soo noqdo awooda dalkaasi Raysal Wasaare shacab ahi.

Goobaha codbixinta ee guud ahaan dalkaasi ayaa furmay 8 subaxnimo, iyagoo baaqi ku sii ahaan doona inay sii furnaadaan ilaa 5pm galabnimo, waxaana codbixiyeyaasha la siin doonaa laba saacadood oo dheeraad ag si ay codkooda usii dhiibtaan.

Ku dhawaad 52 million oo cod-bixiyeyaal ah ayaa loo diiwaangaliyey inay codka dhiibtaan, kuwaas oo ku dhawaad todoba Miliyan oo ka mid ahi ay markii koobaad codkooda dhiibanayaan.

Waxaana codbixinta doorashadani ay dhacaysaa xili dastuur cusub uu jiro oo milatariga siinaya awooda in ka badan siyaasiyiin shicib ah iyo in ay adkaynayso in xisbi kastaa uu helo aqlabiyada kuraasida Aqalka Hoose oo ka kooban 500 kursi.

Raysal Wasaaraha waxa noqonaya qofka gaadha aqlabiyada labada aqal, halka 250-kursi oo Golaha Sare ah uu badidooda soo magacaabayaan Milatarigu, waxaana loo badinayaa in Chan-ocha uu faa’iido ku gaadho taasi.

Si kastaba ha ahaatee, waxa kaambayn weyn ku jira Pheu Thai oo ah xisbiga xidhiidhka la leh Raysal Wasaarihii hore oo ahaa ganacsadaha weyn ee – Mr Thaksin Shinawatra, oo isagu awoodiisa isugu geeyey dhulka miyiga ee waqooyi-bari, kaas oo la filayo inuu ku guulaysto badi kuraasta.

HCTV News Desk