Duqqa Muqdisho oo Guri ku Wareejiyay Nin Laga Haystay.

Warqoraal ah oo kasoo baxay maamulka gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in gudoomiyaha gobolka
Eng. Yariisow uu maanta ku wareejiyay muwaadinkii iska lahaa Guri ku yaalla Degmada Shibbis, kaasi oo gurigiisa laga haystay in ka badan 20-kii sanadood ee lasoo dhaafay.

“Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta ku wareejiyay muwaadin Soomaaliyeed oo gurigiisa laga hestay mudo dhoor iyo labaatan sano ah, gurigaasi oo caan ka ah Degmada Shibis isla markaana loo yaqaano Sarta Beexaani ayaa waxa uu ku yaal isgoyska Beexaani ee Degmada Shibis. Duqa Muqdisho, Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow) ayaa sheegay in laga soo gudbay xilligii shacab Soomaaliyeed Hantidooda xoog lagu heysan jiray, isla markaana uu Maamulkiisa u dul-qaadan doonin in Muwaadin Soomaaliyeed Hantidiisa si xoog ah lagu heysto” sidaasi ayaa lagu sheegay war qoraal ah oo kaso obaxay Maamulka Gobolka Banaadir.

Image may contain: 5 people, people standing
Image may contain: sky, house, cloud and outdoor